Boqortooyada xaydhu waa qiso ku sahabsan boqortooyo la magac baxday boqortooyada xaydha ,waxa jira nooc qudhaan jada ka mida oo la yidhaahdo Aboor oo aad wax u qabsada iskii iskuna filan oo guryaha uu dhisto cid walba ay ka faaidaysato oo ay ka galaan roobabka,qoraxda iyo wixii kale ee dhibaayaba.
Aboorku waxa
uu u nool yahay koox-koox ama si wada jira ayuu u nool yahay oo uu kaga
duwanyahay kagana magac wanaagsan yahay qudhaanjooyinka inta kale.Aboorku waxa
uu sidii ahaadaba waxa so food saartay duruufo qalafsan ka dib markii cimiladii
iyo degaankii u ku nolaa isbdalay,Tashi dheer ayay waxa go’amiyeen inay yesheen
boqor oo taladoodu meel kasoo wada baxdo si durufahan adag looga baxo.
Aboorka waxa
uugu darani waa ilayska qoraxda iyo inuu helo roob,waxa ay isla garteen in
boqorka ay doranyaan u ahaado Aboor keeni
kara roob.
Boqorkii
aboorku iska dhex dooray, lakiin waxa uu keenay mushkilad kale oo ah inuu
yidhaahdo ha la ii dhiso qasri xaydha.talaa ku cadaatay aboorki oo markii u
isku noqday waxay isla garteen madaama u boqorku sidaa dalbaday inay u dhisaan
qasriga u doonaayo uugana dhisaan xaydha u doortay.
Qasrigii
boqorku markii u dhamaaday waxa uu boqorkii amray in la dhiso taanbuug wayn oo
qoraxda ka illaaliya qasriga ,madaama oo u xaydh ka samaysanyahay,waxa u
boqorkii mamnuucay ilayska qoraxda,aboorku wax qudha ee guryaha ku dhasan jiray
waxay ahayeen roobka iyo ilayska qoraxda oo u qalajin jiray dhismahiisa.
Aboorkii
waxa uu mudo sidi ahaadaba oo duruufo kasii qalafsan tii hore ay uuga
cabanayeenba ku jiro ,afar ka mida aboorkii ayaa tashaday waxa ay isla garteen
inay boqortooyadan xaydha ahi keentay dhibtan si ay meesha uuga baxdana loo
baahan yahay in qoraxdii la helo.si hadaba qoraxdii lo helo waxay isla garteen
in taanbuuga la daldaloliyo si ilayska qoraxdu u soo galo. Taanbuugii dal
daloolo u sameeye,qoraxdiina so gashay boqorkiina meeshii ka bax.
Mudo markii
ay ka soo wareegtay Aboorkiina bilaa boqor noqday waxay is tuseen in aan laga
maarmayn boqortooyo taladooda iyo cududoodaba midaysa, hadana waxa u samaystay
boqor.
Boqorkii
markii ay doorteen waxa u golahii la
shaqayn lahaa ka soo doortay Aboorkii si shaqo maalmeedkii boqortooyadu u
socoto sidoo kale ay adeeg fiican u helaan aboorku,mudo markii ay boqortooyadu
jirtayba waxa uu isna la soo baxay cadooyin aanay hore u arag,illaahay
cilmigiisa waxa boqorkii la jeclaysiiyey Jiirarka iyo dameeraha oo waxa la
arkay uun jiirar iyo dameero ku soo qulqulaaya qasrigii boqortooyada,cida
dameerkuna waxay noqotay cida aadka loogu jecelyahay ee had iyo jeer ka ladi
wayeen Aboorkii u dhawaa boqortooyadu.
Boqorkii
golahiisa marka uu la shiraayo waxa aad u dhibi jirtay in ay so hor fadhiistaan
Aboorku oo inta badan ah mid ka hadlaaya uun dundumooyinkiisi iyo Aboorkii kale
duruuftiisa.
Dundumooyinku waxa ay noqdeen aboorku waxa uu ugu hadal haynta
badan yahay,boqorku aadbuu u necebaystay oo dhagahiisa ayay ka guuxday
dundumada iyo hadal haynteedu.Marka ay dayn wayaan hadal haynteeda waxa uu ku
jawaabi jiray soynagii boqorada noqonay maxaa keenay inaad hadal haysaan uun
dundumadii iyo aboorkii aanu ka nimi iska nafisa oo ku raaxaysta heesaha
dameerka.
boqorkii
waxa uu amray dhamaan Aboorkii golahiisa ka mid ahaa inay isku badalaan Jiirar
ama Dameero.
Aboorkii intiisi
badnayd waxa ay isku badaleen jiirar iyo dameero,boqortooyadii o dhami waxay
isku badashay jiir wax cunaaya uun iyo dameer ciyaaya.
Aboorkii
talaa ku ciirtay o waxa u arkay ina ay mushkilad cusub ay wajaheen oo aanay
hore uula kulmin.Aboorka noqon waaya jiir ama dameer waxa lagu celin jiray
aboorkiisii oo waxa uu boqorku ku odhan jiray adigu mar hadaad jiir noqon
wayday Abooradaadi iskaga noqo,markaas aboorada noqon waayay jiir ama dameer
waxa ay dib uugu so noqon jireen meelaha ay inta badan ku shiraan
aboorku,waxaanay noqon jireen Aboor ka tilmaaman aboorada kale oo aad taladooda
loo dhageysto madaama ay ku adkaysteen jinsiyadoodii aboor nimo.
Qoladii
jiirarka isku badashay kumay noqon jiriin aboorkii ay ka dal doorsadeen oo
xanuuno ayaa ku dhici jiray waxaanay ahayeen qaar takooran o aboorka intiisa
kale gees iskaga leexiyo iskana illaaliyo inay so dhex galaan.
Aboorkii
boqortooyadii jiirarka wa ay ka takhalaseen waxaanay isla garteen aboorka danbe
ee ay boqorka ka dhigayaan inuu shuruudo yeesho………………………la soco
Post a Comment