Qaabka uu u dhignaa Go'aankii ugu dambeeyay Maxkamadda Dastuurga ahaa, wuxuu u muuqday mid ku salaysan hab-dacwadeedka, oo aan shaqo ku lahayn nuxurkii khilaaf ee u dhexeeyay dhinacyada (merit). Waxay maxkamadu hareer iskaga weecisay ka garnaqista dacwaddii uu Talyanleh uu kaga codsanayay in dib-u-eegis garsoor (judicial review) loogu sameeyo go'aankii Golaha ee lagu doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha 6-dii bishan, Iyadoo Maxkamadu tilmaantay in aanay arrinta loosoo gudbiyay ahayn mid dastuuriya, balse ay la xidhiidho xeer hoosaadka G/wakiilada.  Sidaasi darteedna ayna u gudogali dooddeeda. Waxaanay kusoo gabo-gabaysay in arrintaasi dib loo gula noqdo Golaha, iyadoo loo eegayo xeer-hoosaadka Goluhu sida uu dhigayo. 

Maxkamaddu halkaasi kagamay hadhine, haddana waxaad arkaysaa iyadoo hab-dacwadeedkii ka gudubtay oo hoos ugu dhaadhacday nuxurkii khilaaf ee ay cabashadu ka taagnayd oo ahaa qaabkii uu, u dhacay fadhigii G/wakiiladu ee la isku qabtay natiijadii cod-bixintiisa.  Maxkamaddu waxay ku tillmaanatay fadhigaasi su'aashu ka taagnayd natiijadiisa, mid loo maray sidii xeer-hoosaadku dhigayay (procedural rules). Iyadoo waliba aamusnaantii xildhibaan Talyanleh saaxiibadiisa ka dhigatay inay caddayn u tahay inay wax waliba sidii loo baahnaa u socdeen, balse ay sheekadan danbe keeneen markii ay dhammaadeen ee la isla qaatay ciddii ku guulaysatay loollankii loogu jiray afhayeenka aqalka. Miyaanay taasi ahayn dooddii laga  filayay dhinaca kale?
 Maxkamaddu ma iyadaa la garnaqsatay Cabdiraxmaan Talyanleh? 
Sidee ayay Maxkamadu u qaraarisay nuxur khilaaf oo aanay dhinacyadii isku hayay horteeda kaga doodin? 
Haddayna Dastuuri ahayn arrintani gabi ahaanba, oo aanay dacwaddani ka furmi karin Maxkamadda, maxay haddaas ku keentay inay wixii ka dhacay Golaha 6-dii August, ku tilmaanto tallaabooyin waafaqsanaa xeer-hoosaadka aqalka? 
Miyaanay ahayn inay ku ekaato Dastuuri ma ahadaas?

Haddiiba ay ka hadashay dulucda arrinta (point of issue), may ahayn inay Maxkamadu ag mar-marto. Waxay ahayd inay si buuxda u go'aamiso wixii looga dheg-taagayay, oo ay si xeel-dheer u daristo waxa la isku oo kusoo biyo shubanayaysa su'aasha ah "Go'aanka golaha ee lagu caddeeyay musharraxa ku guulaystay guddoomiyannimada goluhu, ma yahay mid sharciya oon mad-madaw ku jirin misa maaha? " Jawaabta su'aashaasi, waxay ahaan lahayd mid la xidhiidha arjigii dib-u-eegista go'aan ee maxkamadda loosoo gudbistay. Waxaana soo bixi lahaa go'aan dastuuriya maadaama oo waxa laga garnaqayaa uu yahay xil kamida xilalka dastuuriga ah sidii lagu buuxin lahaa. Go'aankaasina wuxuu noqon lahaa mid ku salaysan nuxurkii khilaafka (Decision on merit). kaasi oo noqon lahaa sidan qodob midkood uun; 

  1.  inay ayiddoo natiijadii shirgudoonkii ku meelgaadhka ahaa ku dhawaaqay oo ay Baashe u aqoonsato guddoomiyaha Aqalka, deeddafaysana doodii dacwoodaha. 
  2. inay laasho natiijadii cod-bixinta, haddii ay ku qanacdo inuu mad-madaw ku jiro natiijada, oo la horkeeno caddaymo lagu kalsoonaan karo, Kadibna ay amarto in mar kale lagu celiyo codbixinta sida uu dhigayo xeer-hoosaadka aqalku (iyadoo waliba qaabka ka hufan qaabkii hore loo codaynayo).
Haddii aynu ka eegno dhinac habraac eed mooddo inay Maxkamadu ka jawaabtay su'aasha ahayd 'Cabashada loosoo gudbiyay, ma tahay mid la dhageysan karo oo ku salaysan xaqiiqo iyo sharciba?' Waxaanay Maxkamadu kaga jawaabtay "ma aha", iyadoo ku salaysay inayna doodda loo soo gudbiyay aanay waafaqsanayn Qodobka 98(1) ee dastuurka. Maadaamo oo ay maxkamadani tahay, maxkamad fasiraadeed, waxa la gudboonnaa, inay asbaabteeda qaraar inoogu qeexdo, waxa ay tahay 'dacwad dastuuriya' ama shuruudaha laga rabo dacwad dastuuriya ee aanay buuxin cabashadani. Taasi oo aanay Maxkamadu samaynin.

Waxaana Go'aankeedaasi,  kasoo bixi lahaa fasiraad sharciyeed  oo dacwadaha dambe lagaga qiyaas qaato. Sidoo kalana waxaynu fahmi lahayn, sababta ay dacwaddan Talyanle u noqn weyday  mid dastuuriya, ee ay Dastuuri u noqotay, dacwaddii Baashe Faarax, ee uu kasoo baxay go'aankii (MS/GMS/G-7/282/2013) ee ay Maxkamadda Dastuuriga ahi ku hakisay magacaabista guddi-hoosaadyadii Aqalka? 

Muxuu yahay Faraqa labada dacwadood u dhexeeya, waayo labaduba waxay xidhiidh la lahaayeen Xeer-hoosaadka G/Wakiilada? Labaduba waxay khuseeyeen go'aanno uu lahaa Aqalku Wakiilladu ? 

Labadaasi arrimoodba waxay soo afjari lahaayeen khilafkii Golaha, waxay Maxkamadu noqon lahayd mid gudatay xilkeedii Dastuuriga ahaa oo aan ka baxsanin. Waayo Garsoorka waxaynu u samaysannay inuu noqdo bar-dhammaadka khilaafkasta oo lagala maarmi waayo xalk ka gaadhistiisa. Waana laga qurux badnaa inay Maxkamadu waji kale u yeesho khilaafkii soo gaadhay, iyadoo waliba aaminsan inuu khilaafkii wali taaganyahay marka ay soo jeedinayso inay mudanayaashu khilaafkooga ku dhammeystaan aqalkooda. Hadday ku dhammeysan karaan, maxaa keenay Maxkamadda? Haddayse ku dhammaysan kari waayaan, miyaannay ahayn kii roon Golaha ha usoo hadho marka ay labada qoloba, tiro ahaan isku dhigmaan, qolo walibana shirguddoon gaar ah wadato, oo aanu jirin mid la isla wada aqoonsanyahay, tiradooduna ayna waxba isdheerayn?

Haddii aad eegto asbaabta ay maxkamaddu u cuskatay qaraarka ee ay ku sheegtay "in aanay jirin cid durtay habkii loo raacay codaynta", Waa dhab oo may jirin codaynta ka hor iyo marka codoyntu socotayba wax buuq ah amma duris oo ka dhex dhacday Fadhigii Golaha, Xildhibaannadu si deggan ayay u fadhiyeen, wax walibana waxa uu udhacay si qurux badan, tar-tamayaashuna raalibay ka ahaayeen qaabkii loo guddoominayay fadhiga. Waana halka aad mar is odhan karto Maxkamadu markay leedahay fadhigu wuxuu dhacay si waafaqsan nidaamkiisii caadiga ahaa, wey saxsantahay. Balse markaad dhuuxdo doodda dacwoodaha, waxaad arkaysaa inuu leeyahay ismalaha cod-tirintii iyo natiijadii lagu dhawaaqay. Taasi oo noqon lahayd  mid uu ku saxsanyahay amma uu ku qaldanyahay haddii la siin lahaa fursad lagula darso, oo lagula eego wuxuu cuskaynayo.  Halkan se waxay Maxkamadu kaga hadlaysaa uun xilliga ay tabashadani timid inay tahay xilli ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, oo ay markii hore ahayd inuu dacwdooduhu duro natiijada, taasi ood u fahmi kartid in la lagu leeyahay 'waxaad ku deg-degtay hambalysada'. Dooddaasi maxkamadeedna waa mid uun ka hadlaysa waqtiga ay cabashadu timid, ee maaha mid ka hadlaysa waxay cabashadu ka timid. 

Mana jiro qodob-sharci oo waqtiyaynaya saacadaha ay tahay in la duro amma laga cawdo go'aan sidan oo kale oo u dhacay.  Haddii aad wax qalad ismoodsiiso inuu saxyahay,(Mistake of Fact) hadhawto  xaq uma lihid inaad codsato dib-u-sixiddeeda? Sharciga wax loo samaysato in aanay cidina u qatalmin cid kale, oo si cad loogu maareeyo danaha iyo xidhiidhka dadka dhexmara. Ha noqdo xidhiidhkaasi mid bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeedba. Sidaasi darteed ayaanay sax ahayn in lagu yidhaahdo "waa lagula gaadhaye iska qaado", balse wuxuu Sharcigu jidaynayaa in aanu qofna ku ladin wax uu si weecsan ku kasbaday (negative gain): ha noqoto adduun, kursi, magac iwm.

Arrinta kale ee xusidda mudani, balse aanan jeclayn inaan kusii dheeraado waa xeerka hoosaadka Golaha iyo Qodobadiisa,  (Xeer Lr 1/2006)  ay Maxkamadu u cuskatay maadaamo oo la baabiiyay, sida aan kasoo xigtay bart sharciyada ee la yidhaahdo Somaliland law, taasi  oo sheegtay inuu meesha ka saarayo xeer hoosaadka ka dambeeyay ee (Xr Lr 12/2014) oo ka kooban 73 Qodob. 

Maxkamaddu waxay qaraarkeeda ku sheegtay in aanay dacwaddani ahayn mid dastuuriya, sidaa darteedana aanay ka garnaqisteedu u bannaanayn. Dooddaasi oo aanan anigu qabin inay sax tahay (haddii waxa la isku hayaa uu yahay go'aankii golaha ee lagu iclaamiyay Shirgudoonka Cusub ee Golaha Wakiilada). Go'aankaasi oo ay tahay in sharci ahaan la aaminsanaado (Presumption to be valid) illaa inta ay caddaymo liddi ku ah lagu burinayo ansaxnimadaasi.  Waxaanay dacwaddani dastuuri ku tahay sababahan;
  1. Marka laga yimaaddo Qodob sharciyeed oo la isku hayo fasiraaddiisa, waxa sidoo kale noqon kara dacwad dastuuriya;
  2. Go'aan kasoo baxa gole dastuuriya oo la isku qabtay dastuurinnamadiisa, ama ansaxnimadiisa. Ku dhawaaqista Guddoomiyannimada Baashe Maxamed Faarax, waxay ahayd go'aan gole oo uu shirguddoonku ku dhawaaqey. Sidaa darteed dib-u-eegista Garsoor ee maxkamadda laga codsaday waa mid noqon karta Dastuuri amaba idaari. 
  3. Go'aanka Dib-u-eegista garsoor la marinayona waa inuu noqdaa mid ay kasoo cabatay cid/hay'ad uu go'aankaasi saameeyay awood ama xaq uu lahaa. Cabdiraxmaan Talyanle xaqbuu u lahaa (locus standi) inuu dib-u-eegistaasi dalbado maadamao oo go'aankaasi saameeyay xaq siyaasadeed oo uu lahaa.
  4. Doorashada Shirguddoonka G/wakiiladu waa arrin dastuuriya (Qod; 44/3 Dastuurka). Shirguddoonku waa ciddii ku hadlaysay awoodda Golaha ee meelwalba ku matalaysay magaca wakiilada. Waana arrin dastuuriya inuu Goluhu lahaado Shirguddoon uu isku raacsanyahay si uu, u ahaado Gole gudan kara waajibaadkiisa, Sidaa darteedna Xilka guddoomiyaha aqalku lama mid aha magacaabista Guddi-hoosaadyada aqalka, iwm.
  5. Cabashada Maxkamada loo soo gudbiyay maaha mooshin dib loo dhig-dhigi karo oo la mid ah arrimaha caadiga aha een xidhiidhka la lahayn mansabka shirguddoonka, amaba uu Guddoomiyuhu kala simanyahay xildhibaannada kale, Balse arrintani waa mid saamaynaysa dhismihii iyo wadajirkii golaha. Waayo waxa la isku hayaa, ciddii fadhiga soo socda guddoomin lahayd Golaha wakiilada. 
Waxa sidoo kale jirta dood sharciyeed oo gabi ahaanba kasoo horjeedda doorka garnaqiseed ee Maxkamadda Dastuuriga ku leedahay arrimaha kuwan oo kale ah ee Gole Dastuuriya uu isku qabto. Sharciyaqaannada aragtidaasi qaba ayaa ku doodaya inuu Golaha wakiiladu yahay aqal ismaamula oo ka madaxbaannaan Waaxda Garsoorka, arrimihiisana ay tahay inuu isagu dhammaysto isagoo u maraya xeer-hoosaadyadiisa. Waxayna qabaan in go'aan kasta oo garsoor oo la xidhiidha arimaha nidaam ee xeerdajinta, uu yahay farogalin Waaxeed.

Kala-madax-bannaanaanta Saddexda Waaxood (Separation of powers) ee dawladdu maaha aragti koox gaar ahi wadato, balse waa mabda' dastuuriya. Waxa se jira, garyaqaano marka ay hadlayaan, kala madax-bannaanta awoodaha, indhaha ka lalinaya, mabda'a kale isna ku lammaan ee 'isxisaabinta waaxaha qaranka' (Check and Balance). Waa run oo Maxkamada Dastuuriga ahi, ma farogalin karto arrimo waaxaha kale, haddii aanay iyagu buuqooga lasoo doonan. Marka se,  looga soo cawdo amaba ay iyagu soo kala cawdaan, waxa Maxkamadda ku waajiba inay ciddaas/hay'addaasi caddaaladda soo bidday u jawaabto.


 Khilaafkasta oo laba dhinac u dhexeeyaa, wuxuu ku dhammaan karaa, saddex qaab mid uun 1); iyadoo dhinacyada is-hayaa ay iskood uga heshiiyaan, 2) Iyadoo mid muquuniyo midka kale, oo dhinaca la muquuniyaa isdhiibista xal mooddo , 3) iyadoo dhinacyada is khilaafsani ay iskula tagaan dhinac saddexaad oo iyaga ka madax bannaan, kaasi oo laga filayo go'aan dhex-dhexaada. Markaas Garyaqaannada diiddan awoodda gar-qaadiseed ee Maxkamadu bal waa kaase ha sheegaan wajiga afraad ee uu ku dhamman karo khilaafka Aqalka Wakiilada ka aloosan iyo midkasta oo lamid ahiba, marka ay labada waji ee hore fashilmaan ee xal lagu gaadhi waayo?

Guntii iyo gobo-gabadii, khilaafyada dastuuriga ahi ama kuwa maamul (ee u dhexeeya dawlada iyo dawlada, ama dadka iyo dawladdu)  maaha wax la sharaysto, balse waxay tilmaamayaan koritaanka aragtida iyo Fahamka sharci ee bulshada. Waxaanay dhinac kale tusaale u yihiin, inaynu nahay bulsho siyaasadeed oo uu ku-dhaqanka sharcigu (rule of law) xaggooga ka jiro. Taasina suurto gali mayso, haddii aanu fikirka Maxkamadaheenu halkiisaasi ka korin, oo aanay ragga shaadirka madaw u qaatay ee miiska saarani, aanay ku dadaalin sidii ay u curin lahaayeen mabadi' sharci oo dhaafsiisan xalalka ku meelgaadhka ah ee galalka horyaalla. Waxaana yoolkaasi, ka midho dhalin kara, Garsoor dhiirran iyo sharciyqaano daah-furleh, oo si xeel dheer uga baaraandaga doodaha dastuuriga ah ee ka dhasha goldaloolooyinka sharciyeed ee jira. Markaas ayuu noqon karaa, dastuurka iyo nidaamka siyaasiga ahi mid kora, oo ina siiya faham ballaadhan oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka guud/gaarka ah ee nidaamka bulsho-siyaasadeed dimuqraadiya ku dhisanyahay. 

Sidoo kale, waxa loo baahanyahay in la sameeyo, xeerkii Maxkamadda Dastuuriga ahaa (Constitutional and Administrative Court Act), kaasi oo nidaamiya, hab-dacwadeedka la xidhiidha arrimaha maamul iyo kuwa dastuuriga ah, si ay  ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinku u noqoto waajib-sharciyeed oo dhaqangala,  oo hayadihii u xilka saarnaa lagala xisaabtami karo. Haddii xeerkaasi sidaasi usii maqnaadana, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadinku waxay ahaan doonaan, siday imikaba yihiin: khad-madaw oo ku xardhan baal cad.
 

 Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul (waddi 12@gmail.com)




Lifaaq:



Post a Comment

 
Top