Waxa run ah in qodobbo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland kamid ah ee aan weli la fulin (hirgelin) ama si khaldan loo adeegsaday ay aad u faro badan yihiin oo aanay ku koobnayn tiradan aan sheegay, sababtoo ah waxaan iskaga tegay qaarkood aan is idhi waaba lagu murmi karaa oo dood ayaa laga keeni karaa. Haseyeeshee, 20-kan arrimood ee aan qoraalkan ku soo qaadayaa, waa kuwo cad oo daliilkooda wata. Arrimahaas oo kala ah sidatan: 1. Reebbanaanta kala-sarraynta iyo takoorka ku saleysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanka - Qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaana barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran.” Haseyeeshee, waxaa innoo dhaqan ah oo aynu markasta ku hadaaqnaa ereyga “beelaha la hayb-sooco ama laga tirada badan yahay,” takoorka iyo quudhsiga dadkaas walaalaheen ahna ma aha mid qarsoon ee waa mid aynu wada ogsoonahay – bulshadeenu na ay ku dhaqanto. Madaxweynahu ba wuxuu lahaa La Taliye gaar ah oo kala taliya arrimaha beelaha la hayb-sooco oo uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay. Wixii uu dastuurku reebay adeegsigoodu waa inuu reebbanaadaa. Xitaa haddii wax laga qaban waayey arrintan, keliya in magacan adeegsigiisu uu reebbaanaado ayey ahayd. 2. Reebbanaanta in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad - Qodobka 9aad, faqraddiisa 3aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “… Waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.” Waynu ka wada dheregsanahay qaabka ay xisbiyadeenu u dhisan yihiin iyo sida ay u adeegsadaan qabyaaladda ba. Ergooyinkii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee sannadkii 2015 waxay ahaayeen ergooyin ay beelahu soo dirteen. Liiskii xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ay ku dhawaaqeen Shirguddoonkii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye 22-kii May, 2015-ku wuxuu isna ku saleysnaa saamiyada ay beelahu ka kala heleen xubnaha Golaha Dhexe. Dhammaan Guddoomiyeyaasha iyo Murashaxiinta saddexda xisbi qaran ba si badheedh ah ayey beelaha ula shiraan, una caddeeyaan beelaha xulufada ku ah xisbi kasta. 3. Waajibaadka Dawladda ka saaran helitaanka daaweyn lacag la’aan ah - Qodobka 17aad, faqraddiisa 1aad waxay dhigaysaa: “Dawladd[a] … waxaa waajib ka saaran yahay … helitaanka daaweyn lacag la’aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud.” Xaqiiqadu se taas aad bay uga fog tahay oo dhakhtarada dawladda adeega caafimaad ee lagu bixiyaa maaha mid bilaash ah oo daawada waa la iibsadaa. Dastuurka dalku maanta wuxuu jiraa 15 sanno, muddadaas dheer ilaa hadda weli dawladdu may gudan waajibaadkaas. 4. Ku talogal ka yeelashada aafooyinka dabiiciga ah - Qodobka 18aad, faqraddiisa 2aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul-gariirka iyo dagaalada waxay dawladdu ka yeelanaysaa ku talogal.” Sannadkan ugu dambeeyey, abaarahii dalka ka dhacay ayaa tusaale innoogu filan ku talogal la’aanta dawladda ee aafooyinka dabiiciga ah. Markii ay abaarahii dhaceen ayuu Madaxweynahu guddi magacaabay, ilaa iyo haddana waxaa socoto ururrinta taakuleynta dadka ay abaarahu sida ba’an u sameeyeen. 5. Sharcinimada xorriyad ka qaadista muwaadinka - Qodobka 25aad, faqraddiisa 1aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Qofna xorriyadiisa loogama qaadi karo qaab aan sharciga waafaqsanayn.” Sharcigu wuxuu dhigayaa in keliya qofka la xidhi karo iyadoon amar maxkamaddeed la sidan marka uu faraha dembiga kula jiro. Haseyeeshee, marka aanu dembiga faraha kula jirin, waxaa keliya lagu xidhi karaa amar maxkamadeed. Caadi ahaana, aad bay u kooban yihiin dacwaddaha qofka lagu qabto isagoo falka gelitaankiisa faraha kula jira. Haddana, inta ugu badan dacwaddaha ciqaabta ah ee ay boolisku maxkamaddaha horkeenaan waa dad la soo qabtay iyagoon fal-dembiyeed faraha kula jirin, amar maxkamaddeed na aanay boolisku u qaadan. 6. Xurmaynta hoyga – Qodobka 29aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu dhigayaa: “Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.” Ku xadgudubka qodobkan daliilkiisu dhagaheena wuu ka buuxaa – Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU-da la yidhaa oo guryo u dhacay oo xitaa ay dhacday in guri hooy ah oo ay carruuri joogto laysku dhex rasaaseeyey xili habeennimo ah oo aanay xitaa bannaanayn in amarka maxkamadda la fuliyo. Maaha dhacdo qudha oo waa dhacdooyin la caadeystay oo ilaa hadda socda. Mana jiro qodob kale oo dastuuri ah oo arrintaas banneeyey. 7. Muddo-xileedka Golaha Wakiillada – sida ay dhigayso Qodobka 42aad, faqraddiisa 1aad “Muddo-xileedka Golaha Wakiilladu waa 5 (shan) sanno oo ka bilaabmaysa maalinta Maxkamadda Sarre ay ku dhawaaqdo go’aanka kama dambeysta ah ee doorashada [Golaha Wakiillada].” Marka laga yimaado xubnahii ugu horeeyey ee Golaha Wakiillada oo lagu soo xulay nidaam beeleed, muddadan 15 sanno ah ee uu dastuurku dhaqan-galka ahaa, hal doorasho oo Golaha Wakiiladda ah ayaa Soomaaliland ka qabsoontay. Xubnahii la doortay 2005-tii ayaa ilaa hadda kuraasida ku fadhiya. Inkastoo cudur-daarku yahay muddo-kordhin loo sameeyey, xaqiiqadu waxay tahay mar haddii ay laba muddo-xileed iyo dheeraad marayaan in aanay muddo-kordhintu cudur-daar noqonayn. 8. Awoodda Golaha Wakiillada ee ka dooddista iyo ansaxinta barnaamijka xukumadda – awooddaha golaha wakiillada ee ku cad Qodobka 53aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland, waxaa kamid ah in “Golaha Wakiilladu uu awood u leeyahay ka dooddista, celinta oo sababaysan iyo ansaxinta Barnaamijka Xukumadda” Annigu shakhsi ahaan, ma maqal, mana arag golaha wakiillada oo awooddaas ku dhaqmaya. Weliba sidaas ayaan isku haystaa in aan xogogaal u ahay dhaqdhaqaaqa Golaha Wakiillada. 9. U soo bandhigida Golaha Wakiillada xisaab-xidhka sannad-maaliyaddeedka sannadka dhammaaday – Sida ku cad Qodobka 55aad, faqraddiisa 6aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland “Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiillada xisaab-xidhka sannad-maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyada oo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go'aanna ka soo saarayaan.” Xukumaddan iyo tii hore midkoodna waajibaadkaas may gudan, golaha wakiilladuna awooddaas ma adeegsan. Xisaab-xidhkii 6dii sanno ee 2008-dii ilaa 2013-kii, waxay golaha wakiilladu wax ay ansaxin ku sheegeen isku dhaafiyeen 09-01-2015-kii. Hadda, xikmadda qodobka ku jirtaa ba waxay tahay in xisaab-xidhka sannadka tegay uu golahu go’aan ka gaadho inta aanu ansaxin odoroska miisaaniyadda sannadka dambe. Iyaguna waa kuwaas 6-da sanno xisaab-xidhkooda mar wada ansaxinaya. Midda kale ee muhiimka ah ayaa ah Qodobku ma odhan ansaxin e wuxuu yidhi go’aan ka soo saaraya. Waa laba arrimood oo kala duwan sharci ahaan. 10. Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida iyo Muddo-xileedka – Dastuurku wuxuu dhigayaa in xubnaha golaha guurtida la dooranayo, qaabka loo dooranaya na uu xeer nidaaminayo iyo in muddo-xiloodkoodu yahay 6 (lix) sanno sida ku cad Qodobka 58aad. Arrinta cajiibka ah ayaa ah in 15-kaa sanno aan ilaa hadda la curin Xeerka Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida. Sannadkii 2006-dii ayaa mar la isku dayey, isna hal Qodob oo ah Qodobkii 19aad ayaa laga ansaxiyey. Qodobkaas iyadoo la adeegsanayo ilaa maanta dalka kama qabsoomin doorasho lagu dooranayo gole guurti, oo muddo-kordhin ayey ilaa wakhtigaas ku fadhiyaan. 11. Shuruuddaha musharaxa Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen – shuruudda ugu horeysa uguna muhiimsan ee ay tahay inuu buuxiyo qofka Madaxweyne ama ku-xigeen Madaxweyne loo dooranayaa waa: “In uu yahay muwaadin u dhashay Soomaaliland, oo aan muwaadinimo dal kale haysan, balse wuu noqon karaa qaxoonti dal kale deggan” sida ku cad Qodobka 82aad, faqraddiisa 1aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland. Murashaxiintii doorashadii madaxtooyada ee 2010 iyo kuwan hadda u loolamaya jagooyinkan ba way ku jiraan rag la og yahay in haystaan muwaadinimada dal kale. Haseyeeshee, weligeed maynaan maqal meel lagu su’aallay, lagaga hadlay ama ay ku caddeeyeen inay ka tanaasuleen. Xitaa Madaxweynaheena ayaaba lagu xantaa inuu haysto muwaadinimada dalka Britian – ma se hubo annigu. Muhiimadu se waxay tahay in shuruuddaas ku dhaqankeedu aanu inoo muuqan. 12. Daryeelka Garsoorka – Qaranku waa saddex waxood; sharci-dejinta oo ah xubnaha golayaasha baarlamaanka, fulinta oo ah Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo golahiisa wasiirrada iyo garsoorka oo ah garsoorayaasha maxkamaddaha iyo xeer-ilaaliyeyaasha. Saddexdu ba xuquuqo daryeel ayey qaranka ku leeyihiin. Inkastoo la ansaxiyey Xeerka Maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Mudanayaasha Baarlamanka (Xeer Lr. 62/2013), ilaa hadda ma jiro xeer khuseeya xuquuqda garsoorku. Qodobka 98aad, faqraddiisa 3aad waxay dhigaysaa: “Daryeelka ku haboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya.” Bal intii hore kaba kaalayoo, 15-kaa sanno ee Dastuurka dhaqangelkiisa ka dambeeyey ilaa hadda lama curin xeerkaas. Waana waaxda ugu hawsha adag qaranka, oo intaas dembiilayaal iyo muran murgay maareyntii ayey ku hawlan yihiin oo Qaranka ayaabay u godobaysan yihiin. 13. Xeerka Maxkamadda Sarre oo isla markaana ah Maxkamadda Dastuuriga ah – dastuurka waa buug yar oo qoran, waxa ruux gelisa oo wax nool oo shaqeeya ka dhigta Maxkamadda Sarre ama Dastuuriga ah. Inta ay maxkamaddaasi qabyo tahay, caddaaladeenu waa qabyo ee ha la ogaado. Dhammaan waxyaabaha la ilduufay ee aynu ka hadlayno, tii looga caban lahaa oo muwaadiniinta xuquuqdooda ilaalin lahayd waa maxkamaddan. Awoodda iyo dhameystirnaanta Maxkamadda sarre ayuu hadba dastuurka waxtarkiisuna la socdaa. Ayaan-darrada inna haysata waxaa kamid ah in aanu ilaa hadda jirin xeerkii ay ku dhisnaan lahayd maxkamaddaas. Maanta cidda u dacwoon karta ee dacwad dastuuriya geyn karta, mawduuca laga dacwoon karo iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah majiro xeerkii qeexayey. Qodobka 101aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland na wuxuu dhigayaa in uu xeer gaar ahi nidaaminaayo. 14. Wadashaqaynta Wasaaradda Caddaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka – Wasaaraddii Cadaaladdu waa wasaaradda ku shaqada leh caddaaladda, imika arrimaha garsoorka ayaabay raacsataye. Guddida cadaaladuna waa hay’adda ugu sarreysa garsoorka. Marka laga yimaado in Qodobka 106aad, faqraddiisa 1aad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland ay sheegayso: “Wasaaradda Cadaaladdu waxay u xilsaaran tahay fulinta go’aannada maamul ee ka soo baxa Guddida Cadaaladda.” Oo aanay waxba intaas ku darayn, wax kaleba ha joogee intaas qoran lafteeda ayaa laysku afgaran waayey. Sidaas darteed, faqradda 2aad ee qodobka waxaa lagu waajibiyey in “Xidhiidhka wadashaqayneed ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka uu xeer qeexi doono.” Xeerkaasna ilaa hadda lama hayo oo waajibaadkaasna lama gudan. 15. Xubnaha Guddida Cadaaladda ka tirsan ee Golayaasha Baarlamaanku soo doortaan – Guddida Cadaaladda 10 xubnood ayey ka kooban tahay, waxaa ku jira 4 xubnood oo ay golayaasha baarlamaanku soo doortaan. Qodobka 107aad, Faqraddiisa 1aad waxay leedahay: “· Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo · Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.” Inkastoo qodobkan uu ka mid yahay meelaha uu Dastuurku dhaliisha ku leeyahay oo aanu caddeyn cida dooranaysa ma shirgudoonada mise dhammaan xubnaha golaha goleyaasha. Haddana, intan qoran lafteeda ayaad moodaa in si khaldan loogu dhaqmay, oo halka ay faqraddu ka tidhi hal mar la soo dooranayo ayaa dhawr jeer la soo doortaa xubnahan – macnaha xubnahan qaarkood loogu celiyaa. Qodob sidaas sheegayaana Dastuurka kuma jiro – waabu caddeeyey oo “hal mar” ayaa bu yidhi. 16. Wax-ka-badelka tirada gobollada iyo degmooyinka – Madaxweyne Rayaale wuxuu 23-kii March, 2008-dii magacaabay 6 gobol iyo 16 degmo. Madaxweyne Siilaanyo na wuxuu bishii 7aad 2014-kii magacaabay 1 gobol iyo afar degmo. Madaxweynaha tirada gobollada iyo degmooyinka wax ma ka badeli karaa? Dastuurka ayaa ka jawaabaya oo Qodobka 109aad, faqraddiisa 3aad waxay odhanaysaa “Wax-ka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda,iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda, waxana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.” Maxaa kuu baxay? Haddii Madaxweynahu uu noqonayo golaha xukumada, soo jeedintuna la mid tahay magacaabis u ba diiddi mayno! Arrinta aan markasta is weydiiyaa se waxay tahay waar horta gobolladan iyo degmooyinkan 9-ka sanno shaqaynaya ee Guddoomiyeyaasha leh miisaaniyadoodu maanay golahan wakiillada ee aan la horkeenin soo marin? Mooji! 17. Goleyaasha Sharci-dejineed ee Gobollada – Qaab-dhismeedka sharci-dejineed ee dalku waa Goleyaasha Baarlamaanka oo heer qaran ah, Goleyaal sharci-dejineed ee gobollada iyo Goleyaal Degaan. Qodobka 111aad, faqraddiisa 1aad waxay dhigaysaa: “Gobollada iyo degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci-dejineed oo ku kooban xeer hoosaadyo (Bye-laws} aan ka hor imanayn xeerarka dalka u dejisan iyo kuwa fulineed.” Faqradda 2aad ee qodobkuna waxaabay dhigaysaa in isku xeer lagu nidaamin doono tirada iyo doorashada goleyaasha gobollada iyo degmooyinka. Haseyeeshee, Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinku (Xeer Lr. 23/2003), si fiican ayuu u faahfaahiyey Goleyaasha Deegaanka balse qaab aan waafaqsanayn qodobkan dastuuriga ah ayuu u abuuray Goleyaal Gobol oo fulineed oo aan ahayn goleyaal sharci-dejineed. Qodobka 12aad, faqraddiisa 1aad, xarafkiisa (b) wuxuu abuurayaa goleyaal gobol oo fulineed. Qodobka 13aad na wuxuu xusayaa xilkooda oo ku kooban arrimo siyaasaddeed, dhaqaale, maamul, amni, nabadgeliyo iyo horumarineed, dib u eegida miisaaniyadda, go’aannada maamul iyo siyaasadeed ee degmooyinka gobolka, dhexdhexaadinta bulshada iyo dhismaha guddi-hosaadyada. Markaa meelna kagama jirto awood sharci-dejineed, sidaas darteed weli wuu kala dhiman yahay dhismaha qaranku oo waxaa meesha ka maqan goleyaasha sharci-dejineed ee gobollada oo uu dastuurku muujiyey. Lama na hadal hayo ilaa hadda hirgelintooda. 18. Muddo-xileeda Goleyaasha Gobollada iyo Degmooyinka – Qodobka 111aad, faqraddiisa 7aad Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhigaysaa: “Muddada xilka goleyaasha gobollada iyo degmooyinku waa shan (5) sanno.” Ilaa hadda lama abuurin lama na dooran goleyaal gobol, haseyeeshee, Golayaashii ugu horeeyey ee deegaanka waxaa la doortay sannadkii 2002, waxaanay xilka hayeen muddo toban (10) sanno ah oo ah inay laba muddo-xileed qaateen. Goleyaashan deegaanka ee hadda xilka haya na waxaa la doortay sannadkii 2012-ka, hal sanno ayaa uga dhiman muddo-xileedkoodii, waxaanay u badan tahay in muddo-kordhin loo samayn doono sababtoo ah doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiillada ayaa la qorsheeyey inay sannadkaas qabsoonto. Sannadka ku xigana Golaha Guurtida ayaa lagu wadaa in taariikhda markii ugu horeysay la doorto. Markaa ugu yaraan laba sanno oo muddo-kordhin ah way helayaan. Sidaas ayaan Qodobkan dastuuriga ah loogu dhaqmin, isla markaana aan ilaa hadda loo fulin. 19. Guddida Culimada – Qodobka 115aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland wuxuu abuurayaa Guddida Culimada oo ah guddi madax-bannaan oo u xilsaaran inay si rasmi ah caddayn uga bixiyaa khilaafaadka diiniga ah iyo arrimaha laysku qabto xalaal iyo xaaraan midka ay yihiin iyo sidoo kale inay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ah iyagoo dhanka diinta ka eegaya iwm. Intaa dastuurku uu dhaqan-galka ahaa marna guddidan abuurideeda layskuma hawlin intii hore, haseyeeshee, Madaxweynahu dhowaan ayuu ku dhaqmay Qodobka 119aad ee Dastuurka oo uu magacaabay xubnaha uu golaha xukumadu ku leeyahay guddida magacaabaysa guddida culimada. Haseyeeshee, waxaa weli qabyo ah xubnahii Golaha Guurtida uga mid noqon lahaa guddidan magacaabista. Sidaas darteed, ilaa hadda dhismaha Guddidan Culimada laguma guuleysan oo qodobbadan dastuuriga ah lama fulin. Run ahaantii na, waa guddi aad muhiim ugu ah arrimaha bulshada, cadaaladda iyo ku dhaqanka diinta ba. 20. Qodobbada Kala Guurka – Qodobka 130aad ee Dastuurku wuxuu dhigayaa arrimaha lagu dhaqmayo muddadii kala-guurka ee aanu dastuurku dhaqan-gal noqon. Waxaa se jira arrimo ilaa hadda lagu dhaqmo iyadoo 15 sanno laga joogo muddadii kala guurka ahayd. Waxaa arrimahaas kamid ah in ilaa hadda xubnaha Golaha Guurtida ee geeriyooda ay beeshii xubinta geeriyootay ama golaha ka baxday soo bedelato oo xubinta lagu bedelayo keensato. Arrintan waxay khilaafsan tahay Qodobkan faqraddiisa 3aad oo dhigaysa: “Haddii ay xubin ka mid ah Golaha Guurtida ama Golaha Wakiillada ay ku timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad waxaa soo buuxinaysa beeshii uu ka tirsanaa inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada.” Faqraddan ku dhaqankeedu wuxuu ku eekaa muddadii kala-guurka ee aan la gaadhin nidaamka axsaabta doorashada. Axsaabtii doorashadu waxay hirgaleen sannadkii 2002-da, wakhtigaas kadib laguma dhaqmi karayn faqraddan, haddana ilaa hadda waa lagu dhaqmaa. Ma jiro wax ka badel lagu sameeyey dastuurku, mana jiro xeer dastuurka ka mudan oo loo daliishan karo arrintan. Iyadna waxay kamid tahay arrimaha ugu la yaabka badan ee loo baal-maray dastuurka dalka u yaal. Madaxweyne Cigaal (AHUN) ayaa geeriyooday 3dii bishii Meey 2002-dii, isla maalintii ayaa xilkii Madaxweynenimo loo dhaariyey ku-xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin oo xilkaas hayey ilaa 14kii Abriil 2003-da oo loo doortay xilkaas Madaxweynenimo. Wakhtigaas oo lagu jiray muddadii kala-guurka ahayd ee aanu hirgelin nidaamka axsaabta doorashada tooska ah, waxay ahayd in lagu dhaqmo Qodobkan 130aad, faqraddiisa 4aad oo dhigaysa: “Haddii ay ku timaado asbaabaha ku tilmaaman qodobka 86aad Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, ama midkood, inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiillada iyo Guurtida} ayaa si wada jira muddo 45 maalmood gudahood ah ku dooranaya Madaxweyne iyo Madaxweyne-Ku-xigeen ama midkood, iyada oo xilka jagada bannaanaatay muddada doorashada ka horaysa uu hayn doono Guddoomiyaha Golaha Guurtidu.” Sida sharciga ah, waxay ahayd in xilka uu la wareego Guddoomiyaha Golaha Guurtidu, kadibna muddo 45 casho ah gudahood ay labada gole si wadajir ah u soo doortaan Madaxweyne, laakiin iyadoo la tixgelinayo duruufaha markaas lagu jiray waxaa la doorbiday in lagu dhaqmo Qodobka 89aad, faqraddiisa 2aad oo khusaysa xaaladdaha ka baxsan tan ay faqradda 4aad ee Qodobka 130aad khusayso. Xaqiiqo ahaana, aad bay u adkayd in lagu dhaqmaa sababtoo ah muu jirin habraac ay labada gole ku soo dooran karaan Madaxweyne iyo mid loo raaco murashaxnimadiisa iyo coddeynta ba. Sidoo kale qodobku muu xusin Madaxweynaha ay labada gole ku soo doortaan 45 casho gudahood muddo-xileedkiisu inuu yahay kan ku xusan Qodobka 88aad iyo inuu yahay muddo gaaban. Arrimahaas oo khalkhal siyaasaddeed keeni karayey ayaa sababay in Qodobkan ku dhaqankiisa laga talaabsado. Qodobkan 130aad, faqraddiisa 5aad waxay dhigaysaa: “Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagaga dhaqamayaa xeerarkii hore loogaga dhaqmi jiray ee aan ka hor imanayn Shareecadda Islaamka, xuquuqda qofka iyo xorriyaadka asaasiga ah, inta laga soo saarayo xeerar waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; isla markaa waa in la diyaariyaa xeerarka Dastuurka waafaqsan, waxaana lagu keenayaa xeer walba ugu yaraan muddada uu u xaddido Golaha Wakiiladu.” Muddadaas 15-ka sanno ah ee ka soo wareegtay aftidii dastuurka lagu ansaxshay ilaa hadda Golaha Wakiilladu weli muu xaddidin muddada lagu keenayo xeerar waafaqsan Dastuurka oo lagu badelo xeerarkan ay dawladdii Soomaaliya lahayd ee aynu ilaa maanta ku dhaqmayno. Waa qayb laxaadle oo qarannimadeena ka dhiman. Waxaynu nahay qaran ilaa hadda ku dhaqmaya shuruuc u dejisan qarankii uu madax-bannaanidiisa kala soo noqday. Waana qabyo u leeyahay nidaamkeena sharci ee dalku. Wa Billaahi Tawfiiq. Qalinkii: Cabdishakuur Cali Muxumed (Good Lawyer) goodlawyer2014@gmail.com Burco, Somaliland.

Post a Comment

 
Top