Waxay su'aashani ka soo baxday markii dhawaan aan aragnay warqad warbaahinta gashay oo ku socota Maxkamadda Sare.Warqadan oo Wasaarad, Wasaaraddaha ka midi ka codsanayso Maxkamadda sare inay laasho Liisan.jawaabta ay ka bixisay Maxkamada Sarena ay soo baxday dhawaan,nuxurka ay xambaarsanaydna guud ahaan uu ahaa mid farayaa Wasaaradda in liisanku sii shaqaynaayo. Si hadabaa aan su’aashan uuga jawaabno waxaan si kooban u eegi donaa Dastuurka iyo Xeerarka kale ee awoodsiiya Sadexda waxood. Qodobka 37 aad, ee dastuurku waxa u dhigayaa in dhismaha Qaranku ka kooaban yahay Sadex waxood oo kala ah Xeer Dejinta,Garoosrka iyo Fulinta.waxaanu dhigayaa siddoo kale in waax walba u madax banaantay awoodeeda dastuurku u gaar yeelay.taas oo macnaheedu yahay waax walba awoodo u gaara oo ay ku qabato shaqadeeda ayay leeday. Sidoo kale qoboka 80aad waxa uu leeyey Qaranku wuxuu yeelanayaa Waaxda Fulinta oo ka gaara kana madax banaan Waaxyaha Xeer dajinta iyo Garsoorka. Hadana qodobada 53aad,54aad, iyo 55aad, ee isla dastuurku waxay uu dhigayaan awoodaha iyo wajibaadyadda Golaha wakiiladda.Qod 53aad,Farqada kowaad waxay sheegeysaa inay waajib tahay in ogolaansho golaha wakiiladda ka helaan dhamaan cidkasta oo lo magacaabo Wasiir,Wasiir ku xigeen iyo dhamaan madaxda hayadaha Dawlada iyo farqadaha kale oo Iyana wajibaadyo kale sheegaya oo ay Waaxdan Sharci dajintu ku leeday Waaxda Fulinta.qodobkan oo shegaaya doorka u golaha wakiiladu ku leeyey Waaxda fulinta meeshana ka saraaya in Waaxda fulinta cida ay doonto magacaabi karto iyadoon ogolaansho ka helin Waaxda Sharci dajinta. inkastoo halkaynu u soconaa aanay halkan ahayn si aynu uuga jawaabno suaasheena,hadaan aan is waafajino labadan midna uu siinaayo madax banaani buuxda,aan nidhaahno way is macnaynayaan Qodobadani waxaana nidaamka samaynayaan yahay waxaan loo yaqaan (Separation of power and Checks and Balances). Hadaba Golaha Sharci dajintu wajibaadkiisaasi dastuuriga ah ma u gudbin kara Waax kale? sidda Maxkamadda sare oo inta uu warqad uu u qoro ma ka dalban karaa inay Tusaale ahaan,ogoladaan ama diidaan wasirada cusub ama madaxda kale ee qarankaba amaba Heshiisyada caalamiga ah ee dawladu gashaba.Jawaabta oo koban waa maya,wajibaadka dastuuriga ah amaba Xeer kugu wajibiyey (Statutory discretion) ee asalka u ah shaqadaada looma wareejin karo cid kale. Liisanada dawladu bixiso ogolaanshahooda iyo diidistoodaba Xeerar aya jideeya,shuruudo ayaa lagu siyaa,shuruudana waa lagaga qadaa.Tusaale ahaan sidda u dhigaayo Xeerka Qareenada JSL,Bixinta liisanka Qareenimo waxa loo eegaya inuu qofku buuxiyey shurudihii,Hadii laga qadaayo siddo kale waxa u dhigayaa shurudihii lagaga qadaayay marka intaasi soo buxsamaana saxeexa u danbeeya Wasiirka Wasaaradda Cadaalada ayaa yeelanaya.Taas macnaheedu waxa weeyi siinta iyo ka qaadistaba waxay dhamaytirmayaan marka shurudaasi ka horaysa la helo waxaana loo yaqanaa (Preconditional Fact).Hadii se cidi (Minister) talaabo ka qadiseed ay samayso iyadoon u buuxin shuruudi ka horeysay wa khalad waxaana loo yaqaan (Jurisdictional Error),waxaana laga furan karaa dacwad ama laga dalban kara magdhaw maxkamadda awooda u leh.Lakiin ma dhacdo in Wasaaradi warqad codsi ah u qorto maxkamadda iyadoo gudanaysa arin fulineed oo Xeer qeexaayo.haddii ay dhacdana waxay noqonaysa inay awodeedi fulineed cid kale u gudbinayso (abdication statutory discretion). Maxkamada Sare shaqadeeda iyo awoodaheeda waxa u asteeya Dastuurka iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka,qodobka 10aad,
farqadiisa kobaad waxay uu u qoran yahay sidan:- Maxkamadda Sare waxay hubisaa in Qoddobada sharciga sidooda loo dabaqey ama loo fuliyey ama loo fasirey iyo in ay qabato Hawl kasta oo uu u xil saarey Dastuurku ama sharciyada kale ee ka soo baxa waaxda Xeer-dejinta. Wax wal oo ka soo baxaana waxa lo egaya uun qodbadan,haddii wax lid ku ah qodbadana ka soo baxaan maaha qaar sharci ah (ultra-Virus). Guntii iyo gaba gabadii si loo helo bulsho sharcigu sareeyo afcaasha iyo go’aanada ka soo baxayaana ay u noqdaan qaar sharci ah yeelan karana fulin xalaala waxaa aad u muhiima in la isla fahmo waax walba hawsheeda. Wabilaahi Tawfiiq By:Barkhad Omar Ali

Post a Comment

 
Top