Hadday jawaabta su ashaasi haa tahay waxaynu is waydiin karnaa sidee iyo waliba intee leegtahay baahida loo qabo in wax laga badalo lana hagaajiyo dhamaan sharciyadaha dalka iyo waliba cida ka shaqaysa maxkamadah iyo waliba xeer ilaalinta oo muhiim u ah ilaalinta iyo xanaanaynta xuquuqaha asaasiga ah ee muwadiniinta.



Ilaa iyo intii aynu la soo noqonay xoriyadeenii 1991 ilaa iyo manta oo ay taariikhdu ay tahay 2010 horu marin lagu sameeyo ama wax ka qabad lagu sameeyo dhinaca sharciga dalku waxay iska ahayd uun mid riyo ah iyadoo ay dadka qaar ay ku doodaanba maynu gaadhin wakhtigii sharciga la hagaajin lahaa,shakhsi ahaana aanan anigu marnaba raacsanayn doodaasi lakiin aan aaminsanaa in sharcigu yahay waxa jamuuhriyad(Republic)ku noqonay amaba dawlad kala sarayn iyo maamul aynu ku dhisanay inagoo adeegsanayna sharci ee aynu isku maamuli Karin kala badnaansho iyo awoodo kale oo maadi ah. Ilaahayna waxa qudhatee uu rususha u soo dajiyay uuna soo dhiibay ahayd marka laga tago kali ahaanshaha ALLE ay ahayd shuruucdii ay ku kala bixi lahayeen iyo kuwii isku xukumi lahayeenba binu aadamku.



Nidaamka aynu qaadanay wuxuu qaab ahaan u dhisan qaabka nidaamka MARAYKANKA kaas oo ka kooban sadeex qaybood oo kala ah xeer dajinta ,fulinta iyo Garsoorka. Kuwaas oo kala madax banana haddana wada shaqayn ay ka dhaxayso.

waxaana waliba aad u muhiim ah in la ogaado nidaamka dawliga ah ee sidda qataa haddi mid ka mid ah sadexdan qaybood awoodiisu sharciyeed ee lagu dhisayaa ay ka yartahay amaba sharciga distooriga ah ee ay ku samaysmayaan sadexdan awoodood u ogolaanayso mid ka mida sadexdan qaybood inuu ka awood bato ka kale uu noqonaayo nidaam dawladeed oo ogalaaday fadhiidnimo.
madaama uu u nafeeyay laba qaybood oo ka mida . xagii ay ka sinmi lahayeen awoodaha magacaabineed iyo walib xilka qaadiseedba uma jeedo inaan halkan kaga hadlo arin (Admintrative law)sharci maamuleed lakiin si aynu isku fahano marka horeba nidaamkeena dawladeed ee aynu dooranay iyo waliba wada shaqayntiisa sharci ahaneed ee muhumka u ah wax qabadka iyo ka shaqaysiinta qayb wal oo sadexdaa ka mida.
sidda:-
A- wasaaradaha oo u madax banaanaada shaqadooda iyo waliba xeer hosaadyadooda inta sharcigu u ogalayahay.
B-baarlamaanka oo isna shaqadiisa dastuuriga ah ee sharci dajinta u madax banaanada fududeeyana sharciyadaha looga baahanyahay in lagu isticmaalo hawl shaqeedka wasaaradahu fulintiisa leeyiin.
C- maxkamadaha oo iyagu saldhiga cadaalada u ah ee meesha haddii labada kala isku khaldamaan amaba ay ku khaldamaan muwaadiniinta kala saari lahayd ah.ay u madax banaanato shaqadeeda oo ah inay u qadaan dacwadiihii iyaga soo galay si waafaqsan nidaamka iyo shuruucda ka taala.
uuna madax banaanaada shaqadooda si cad oo aan shaki ama faro galin kaga timaada qaybta fulinta.loona baas gareeyo sharciyo loogu bud dhigaayo xataa in dhaqaalaha ama mushaharka inay ka madax banaanadaan wasaaradda maaliyada magaacibistan uu madax waynu soo magaacabo garsooraha maxkamada sare meesha laga saaro iyo tan siddo kale gudida cadaaladu u xil saarantay.waayo gudida cadaaladu waxay noqonaysaa uun in si dadban qaybtii fulintu (Excutive) u maamulayso garsoorkii.


Haddabaa inagoo u soo noqonayna maxaynu ka faaidi karna wax ka qabashada iyo hagaajinta nidaamka sharciga ah ee u yaala dalka ka mujtamac ahaan iyo waliba ka xukuumad ahaan bal aynu ku soo uruurino faaidooyinkaas dhawrkan qodob ee soo socda.


1-wax meesha ka bixi doonta mad madaw badan oo sharciyeed oo imika jira.
2-wax soo afjarmi doona muran dastuureedka ay inoogu wacan tahay qodobada dastuurka ku jira ee nidaamkeena dimoqraadiga ah dabraaya.

3-in sharci la fuliyo ayaa fududaan doonta taasna waxay keeni doontaa u hogaansanaan xagga sharciga ah.

4-waxa sahlimi doona oo ay horseedi doonta in marka la xakameeyo ashkhaastii iyagu awoodahooda dawliga ah ku takri falaayay dad u bisil oo dawladnimada wax walba ka doorbida ,waayo binu aadam waayay wax dabraa waxa walba way u banan yihiin inuu sameeyaa.

4-madaama uu sharcigu yahay midkan nafta iyo maalkaba ilaalinaayay siinaayayna xaqa qofkii dulmanaha ahaa wax badan oo dhabar taabasho ah ayaa meesha ka bixi doona Dawlada ama ashkhaasta markaa xukunka hayana waxa u fududaan doonta inay si sahlan wax u maamulaan oo odaygan iyo kun shay ee qof walba ku daba jira ayaa meesha ka bixi lahaa.

5-waxa fududaantooda maalgalintii shisheeye.
6-waxa hir gali doona sharciyadihii lagu horu marin lahaa dhaqaalaha dalka sida xeerkii kala xadaynta ganacsig oo faaido wayn sadexda dhinac ee ay khusaysaba u noqonaaya kan soo dajinaaya kan sii iibinaaya iyo dawlada waayo ganacsadahan wayni hadduu wax walba isku duubo waxay ka goantay uun (Purchasing power)kiisii ama oo awoodii dhaqaale ee wax ka iibsan lahayd uunbaa wiiqmaysa.


Waxa haddabaa aad u muhiim ah in maanta in la heli karo dad dhalin yar ah oo aad u firfircoon jecelna inay dib u noolayntii sharciga u diyaara tahayna wax aad loogu faani karo ka umad ahaan faaido wayna u ah dawlad wanaageena aynu doonayno inaynu caalamka iskaga iibino noqonana umad sharciyadeedu dhisan tahay oo ay ka muuqato dareen fiican iyo waliba idiilo wax qabad inaga muuqdo tusnana caalamka waxa aynu nahay.

Markaa waxaan leeyay (it’s time to wake up, Somaliland. It’s time to think for development).

Post a Comment

  1. ؛spɹɐƃǝɹ ʇsǝq

    ˙ǝʇısqǝʍ ɹno oʇ oƃ uɐɔ noʎ 'ʎɥdɐɹƃodʎʇ ǝnbıun puıɟ oʇ pǝǝu noʎ ɟı
    'ʎɐʍ ǝɥʇ ʎq

    0‾0 ǝɔıu sʞooן ƃoןq ɹnoʎ
    ¡ƃuıʇǝǝɹƃ ɯɹɐʍ ¡puǝıɹɟ ʎɯ oןןǝɥ

    ReplyDelete

 
Top