2000 kun, Ilaa manta oo lagu qiyaaso sharciyaqaanadda ka soo qalin jabiyey jaamacaddaha dalka iyo dibadaba inay kor u dhafeen 700 boqol,oo sharciyaqaan,maxaa la taaban karaa ee ay ku soo kordhiyeen horumarinta sharciga iyo sharciyaqaanka noloshiisaba ha ahaato mid dhaqaale iyo  mid  dhaqanba?
in badan oo bahda aqoonyahanka ay bulshadu u taqaano iyo bulshada inteeda kaleba waxay ku soo dhaweyeen sharciyaqaanka ku soo biiraaya bahda sharciga ha ahaato Maxkamado,Xeer Illlaalin iyo garyaaqaano madax banaanba,gacmo furan iyagoo rajaynaayey in hab socod cadaladeedka  ay wax ka badali donaan siddo kale kaalin fir-fircoon ka qaadan donaan illaalinta xuquuqaha asaasiga ah ee shakhsi iyo mid shuraakaba,illaalin donaana xoriyada lahaansha gar ahaaneed iyo midka wada lahaanshaba,muujin donaanana karti iyo hufnaan lagu oogo dacwada cabashadoodu daarantay wax ka qabad maxkamedeed,xalin donaan khilaafadka si fojignaan iyo xilkasnimo ku jirto,korna u qaadin donaan haybadda sharciyaqaanka iyo saraynta sharcigaba
inagoo ka eegayna xaalka sharciyaqaanka  maanta uu ku sugan yahay,qimaynaynana sharciyqaanka cusub inta uu leeyey awood sharciyeed (legal authority) oo uu amarkiisa wax ku fulin karo isku soo wadda duuduubo waxaad modaa inay ku soo ururtay "Bisin Xijaab",lakiin suaashu waxay tahay ma lagaaga tagayaa?intee se aan Bisin Xijaabka ku sii Jiri karnaa?
 

Post a Comment

 
Top