Arimuhu way kala horeyaane maanay ka haboonayn cuntadda iyo wax yaabaha kale ee la ismariyo markay soo degayaan in loo sameeyo meel lagu hubiyo tayadeeda ama komishankii tayadda uun la dardar galiyo.xanuuno badan oo laga helo dunida horumartay ayaa imika inagu soo badanaaya inagoon warshadana aan lahayn,dhamaanteen waa la ina waydiin wajibaadkeena inaga saaran dadka nafaheenaba.Marka korniinka qofka laga hadlaayo waxa maamula dhecaano ogolaada in si isleeg xubnaha qofku u koraan oo aanay dhicin kala korniin,wali maad aragtay qof gacani dheertay midna aad u gaabantay,hadday dhacdana waa arin ku timid khalkhal hideed ama mid dhecaan.mararka qaarkood waxa dhacda in institution ama qayb maamuleed uu ka fir fir conaado qaybaha kale ee maamulka dawladnimo sababtana wax wal oo horu mar ah oo u isku dayo inuu noqdo mid aan wakhtigisii la joogin,arimahana waa arimo ka dhaca dhamaan waddamadda so koraaya lakiin xalka qudhaate ee lo hayaa waxa weeye awood siinta qaybta qorshaynta ee dawladnimo inay noqoto qaybta hagta dhamaan wixii horumarin ah ee dawladu ama ururo kaleba fulinayaan,tani waxay sahli kartaa in adeegyadeenu fulaan wakhtiyadii ay ku habonayaan,haddii se loo ogolaado waaxyaha dawladu inay mar wadda cararaan siddii maratoonka waxa imanaysa in kala kor ku yimaado waaxyihii dawladda.Si fududna waxba kama jiraan loogu tilmaami karo horumarin waaxi ay ku samaysay adeegi ay dadka u qaban jirtay.

Post a Comment

 
Top