Guuritidu waa mid ka midda sadexda dhadhaar ee dawladnimadda inkastoo imika lagu soo doro mid afaraad oo ah Saxaafadda ,haddana waxa aynu dhaqan ahaan imika naqanaa saddexdan dhadhaar oo ka uugu culus nidaamkeenu yahay Golaha Guurtida,Maanta waxa ay u fadhiisteen inay ka arimiyaan arimaha doorashadda fooda inagu soo haysa,taas oo culaysyo badan oo dibad iyo gudaba lahi ay isa soo tarayaan kuwaas oo ku sahabsan siddii loo qaban lahaa doorashadda wakhtigeeda.

Haddabaa inagoo aan wali haynin waxii ka soo baxay haddana sidda dhaqanka noqotay dhawaanahan oo ah in xukuumad wal oo markaas joogtaa guurtidda u isticmaasho danaheeda gaar ahaneed ee ku aadan fidinta mudo xileedka iyagoo riixaaya doorashadda waxay soo saraan kordhin,korodhkan oo aad moodo in uu noqday mid lala qabsaday oo dadka intooda badaniba ay saddalinayeen in uu dhici doono korodh siddii horeba u dhici jirtay.

lakiin anigu shakhsi ahaan waxaan dareemayaa in dib u dhac lagu sameeyo doorashadu keeni karin wax dhibaato ah wakhtigan xaadirka ah se ay noqon doonto uun jid ama sune la sii adkeeyey oo kuwan kuwa ka danbeyaana ay ku dhiiran donaan inay mudo korodhsi u baajiyaan hawlo ay ahayd in hore loo qabto.inbadan waxa madaxayga ku soo dhacda sida ay u dhici doonta doorasho mustaqbalka la qabto wakhtigeeda si loo muujiyo socod barasho dumuqradiyeed oo ina tusaaya inaynu korayno oo dawladnimadeenu aanay ahayn mid hagaas ah (not growing).

Markaad eegto xisbayadeena waxa ka muuqda aragti la'aan,qorshe xume,siyaasad xumo oo kugu ridaayaba inaad ididilaadaba mugdi galiyaan,halkan waxa kuu soo taagan laba xisbi oo mucaaardi ah oo kuwaas oo aan hal aragti ah oo ay kaga duwan yihiin kuwan imika haya so ban dhigin.waayo Somaliland guud ahaan waxa donaysaa dad leh qorshahoodi wax ay kaga iibin lahayeen dhulkooda hodonka ah dibad iyo gudaba. 

Post a Comment

 
Top