Dhamaan bahda cadaalada ama inta ku shaqaysata u garnaqa,difaacida,ku oogida,u doodida xuquuqaha iyo inta kale ee danaysa arimaha Garsoorka Somaliland waxay u dhagtagayeen ku dhawaaqidda gudoomiyaha cusub si u buuxiyo mid ka midda saddexda jago ee qaranka uugu sareeya uuguna eeda iyo xasaasiyadda badan iyagoo ku shaqeeya duruufo adag,waxaana wax la naawilba loo magacaabay jagadan mid ka midda dhalinyartii wax baratay intii dalka lagu soo noqday, Prof. Aadan X.Cali anigana ka shakhsi ahaan noqday mid ka midda macalimiintayda mudadii aan dhiganaayey Jaamacadda Hargeysa.

Shaqadda maxkamadda Sare oo aan ku koobnayn ka garnaqa heerka rafcaan ee dacwaddaha madaniga ah iyo kuwa ciqaabta ah oo qudha se siddoo kale waxa ay tahay maxkamadda Distoorka iyo Maxkamadda Sare ee cadaaladda ee ka garsoorta danbiyadda lagu oogaayo xubanaha goloyaasha qaranka,waxaana u sii dheer intaas inuu noqonaayo gudoomiyaha Gudida caddaaladda oo ah gudida magacowda garsorayaasha  iyo Xeer Illaaliye ku xigeenaddaba.

Dadka inta badan faleeya arimaha garoorku waxa ay isku qabtaan arinka gudida cadaaladda iyo dhaqaalaha maxkamadaha  oo uu markii u horeysay ee la abuurayey wakhtigii Marxuum Cigaal laga dooday oo ahayd in la kala saaro gudidda cadaaladda iyo Maxmadda Sare iyaddo ka hor imanaysa tiir  garsooridda oo dhan u asaas ah oo ah inaan nina gartiisa  isagu ka garnaqi karin  (No one cannot judge his case).haddi ay dhacdana uu lumaayo tiirkaasi asaaska u ah garsoorida iyo siddoo kale shaqadda dacwad qaadiseed,hubineed   ee ah inay hubiso in la dabaqay qodobka sharci iyo in loo fasiray siddii ku habonayd iyo ta maamul ee Gudoomiyaha u taala oo badan awgeed ay haboontay kala saaristoodu.

Qaar kalena waxa ay raacsanayihiin siddan ay maanta u samaysantay oo xitaa dhaqaalaha garsoorayaasha iyo kaaliyashaba ay maamusho Wasaaradda Cadaaladu bixisana mushaharkooda iyadoo siddoo kale dhaliil badan loo soo jeediyo qaabka xubaha gudida cadaaladda loo soo magacaabo.

Dhawaan waxa la magacaabay garsoorayaal in mudo ah lagu tobobaraayey Wasaaradda Cadaaladda ahaana dhalinyaraddii ka soo qalin jabiyey jaamacaddaha dalka waxaana si bilaa qorshe ah  loo kala diray dhamaantood goboladda dalka iyagoo darajada garsooranimana laga wadda dhigay heer degmo,meelaha loo diray meel lahayd maxkamadd degmo ama haddii ay jiirtayba baahi garsoore degmo o taalay aanay jirin.

Gudoomiyaha cusub waxa haddabaa la magacaabay iyadoo waxaas oo arin oo iska hor imanayaa ka jiraan Maxkamaddaha baahi badan oo wax ka badal u baahana taalo inta ogaalkayna aanay ka daahnayn isaga arimahaasi.

Cadaalad in laga hadlaa waa fududay se waxa adag fulinta cadaaladda waxaan macalinkayga uugu ducaynayaa inuu Illaahay ku sugo caddaaladda u fududeeyana fulinteed.






Post a Comment

 
Top