2016,Guulo waawayn oo aan hore loo arag ayay ka gadheen xoogaga Dad- isdaadraaciyaasha iyo kali taliyayaashu,waxay kalitalisyadu ay la yuurursadeen ficilo aftaagnimo iyo dilal aargoosi keeni kara, arimahani waxay goobaha dagaalka guud ahaan labada qaradood ku noqdeen laf dhuun gashay. Dhamaan arimahan oo isa soo taraya waxay tilmamayaan khatar soo foodsaartay, amaankii Aduunka ee rubuc qarnigii ina dhaafay dhidibada loogu taagay mabadiida saraynta sharciga,illaalinta xuquuqda adamaha iyo dumuqraadiyada-taas oo sababi doonta duni hogaamiyasheeda iyo dawaladuhuba iyadoo wax ku dirqinayaa jirin noqdaan kuwo danahooda yaryar ee gaarka ah uun raacda,iyagoon u aabo yeleyn danta guud ee wada midaysa ee amaanka dunida , xoriyada iyo barwaaqosoorankaba. Gun gaadhada dhawaan soo baxay ee u sameeyey barnaamijkan "Freedom in the World" waxay ka marag fureen dhiloyinkii buuxiyey hordhacyada warbaahinada dhamaan sanadkan.marka la barbar dhigo 36 korodh la diwaangaliyey,2016,isku geyn 67 dal ayaa hoos u dhac cad ku yimid dhinaca xoriyada siyaasiga ah iyo madaxbanaanidooda xaga madaniga ahba.Tani waxay hoosta ka xariiqday sanadkii 11naad oo sanado isku xig ah, in hoos u dhacu ka batay korodhka. Sanadihii hore hoos u dhaca xoriyaadku wuxuu ku koobnaa gudaha dalalka ay haystaan kalitaliyayaasha kaas oo si fudud isku rogi jiray xaalado aad u adag,2016 dhamaan dalalka dib u dhacu ku yimid ee buuxiyey liisaska warbixinaha ee habka kala saraynta loogu astayey waxay ahayeen dalal dumuqraadi ah. Sidda xaqiiqada ah,wadamada xorta ah ayaa qayb wayn ka noqday hoos u dhacan,afar meloodow meel ayay noqdeen wadamada Yurub e galay diwaankan hoos u dhaca 2016. Dhamaadkii sanadka, ka dib dhacdooyin amaan daro ah, dawladahii dumuqraadiga ahaa ee waawaynaa waxa qabsaday anfariir iyo go’aan la’aan sida Maraykanka, mustaqbalkiisi hogaamineed waxa shaki galiyey guushii uu Donald Trump uu madaxwaynanimada ka gaadhay. kaas oo ah shakhsi aan la sadaalin karin watana fikrado aan caadi ahayn, xaga arimaha dibada iyo arimaha kaleba sido kale bixidii uu Ingiriisku ka baxay midowga Yurub iyo dhicistii dawladii Talyaniga ka dib markii uu ku guul daraystatay aftidii dastuurka lagu badalaayey iyo waliba isku dayo isdaba socda oo dawladu Poland kaga hortagayso dumuqraadiyada.guulaha xisbiyada neceb ajaanibku gadheen si la mida waxay shaki wayn galisay awooda gashaanbuurtii qaabaysay dumuqraadiyada aduunka. Isla wakhtigan,Ruushka waxa uu si mug leh u muujiyey kibir iyo cadaawad,wuxuu faro galiyey hababkii isdoorasho ee dumuqraadiga ahaa ee Maraykanka iyo dawlado kale oo dumuqraadi ah,wuxuu saanado milatari ku tageerey kali taliye Asad ee Syria iyo isagoo sidoo kale dhidibada u sii aastay qabsashadi aan sharciga ahayn ee dhulka Yukrayn.China,waxuu jabiyey sharcigii calamiga ahaa,waxaanu dhagaha ka furaysatay xukunkii Maxkamada ee ka dhanka ahaa sheegashadiisii siyaadada Bada koonfurta ee China iyo cabudhinta mucaaridka dalkiisa. hogaamiyaasha aan daacad ahayn ee Koonfurta Sudaan iyo Itoobiya ilaa Taylaan iyo Philibiin waxay galeen gobood falo xuquuqda aadamaha ah oo kala duwan iyagoo shaadhkii dawladnimo gashan. Horumaradii horaantii sanadkii u danbeeyey imika suurto galmaaha inaad si kalsooni ah uuga hadasho mustaqbalka fog ee awooda EU da;iyo sharcinimada dumuqraadiyada iyo Siyaasad arimaha dibada Maraykan sida ay mudnaanta uugu tahay xuquuqda adamahu;dhabar adayga ay haayadaha dumuqraadiga ah ee badhtamaha Yurub,Barasiil,ama koonfur Afrika;ama xataa in la rajeeyo cambaraynta dawladaha dumuqraadiga ah iyo xubnaha xuquuqda adamaha ee UNta u jeediyaan, ficilada sidda weerar lagu qaado laangaabka ama dadka tiro yar Myanmar Rohingya ama weerarada aan loo laka aabo yeelin ee Yaman meeshaba ma taal oo waxay u eegtay in bari taa laga yahay.
 By:Arch Puddinton and Tyler Roylance (freedom in the world 2017) Tarjumistii:Barkhad Omar

Post a Comment

 
Top