Qeybta 1aad Eray Bixin iyo Ujeedada Xeerkan Qodobka 1aad(Eray bixin) Xeerkani wuxuu erayadan soo socda ulajeedaa sidan soo socota: “Hayadda Awooda u leh ” marka loo eego Somaliland waxa loola jeedaa wasiirka Cadaaladda ama qof wasiirku u magacaabay si waafaqsan xeerkan; Sidoo kale marka loo eego dawlad kale waxa loola jeedaa hayadda masuulka ka ah maareynta iyo wareejinta maxaabiista dawladaas kale. “Taliye ” waxa loola jeedaa taliyaha ciidanka asluubta. “Wadanka la tilmaamay” waxa loola jeedaa; wadan kasta oo uu xeerkani tilmaamo. “Wasiir” macnaheedu wuxuu yahay wasiirka cadaaladda ee u qaabilsan arrimaha xabsiyada. “Maxaabuus” waxa loola jeedaa; muwaadin u dhashay Somaliland oo xukun lagu riday xadhigiis ku qaadanaya wadan tilmaaman ama muwaadin dal tilmaaman oo xukun ay ku riday Somaliland. “Wareejin” Waxa loola jeedaa; ka soo warejin maxbuus wadan tilmaaman oo la keenayo Somaliland ama ka wareejin maxbuus Somaliland oo loo wareejinayo wadan tilmaaman. “ Amar” Waxa loola jeedaa; go’aan garsoor oo amaraya kusoo wareejin maxbuus Somaliland ama ka wareejin maxbuus Somaliland. QAYBTA: 2aad KU WAREEJIN MAXAABIIS SOMALILAND Qodobka 2aad (Ujeedada Xeerkan) 1. Xeerkan wareejinta maxbuuska waa xeer ka dhaxaynaya Dalkan Somaliland iyo Waddan kale, iyada oo ujeedadu tahay in maxbuus xukuman laga wareejiyo dalkii xukumay oo loo wareejiyo dal kale . Qodobka 3aad (waddan tilmaaman) (1). Marka heshiis maxaabiis isku wareejiin ay Somaliland la gasho dal kale oo tilmaaman, wasiirka cadaalad waxa uu go’aankaas ku soo saarayaa warbaahinta rasmiga ah ee qaranka isaga oo mujinaya in qaybaha xeerkan lagu dabaqayo wadankaas; iyaguna si la mid ah marka loo eego shuruudaha, tilmaamaha iyo waxyaabaha gaarka ah ee la iskula qaatey heshiiska. Qodobka 4aad (Codsiga wareejinta) (1) Wasiirka markuu codsi ka helo hay’ada awooda u leh ee dalkaas tilmaaman oo tilmaamaysa: (a) In Maxbuus ama wakiilkiisu dalbaday in loo wareejiyo Somaliland oo dalkaasina uu aqbaly wareejinta; (b) In Waddankaasi dalbanayo soo wareejinta maxbuuska iyo codsiga maxbuuska oo rabitaankiisa ku dalbanaya wareejintaas. (2) Wasiirku isagoo la tashanayaa Xeer- ilaaliyaha Guud, wuxuuna markaas go’aaminayaa in la aqbalo ama la diido wareejintaas. Qodobka 5aad (Shuruudaha Codsiga Maxbuuska) (1) Codsiga wareejinta maxaabus si waafaqsan xeerkan waxaa laga doonaya in laga helo tilmaamahan hoos ku sheegan: a) Magaca, Jinsi (dheddig ama lab), taariikhda iyo meesh uu ku dhashay. Haddii aanay taariikhda dhalashadu sugnayn waxaa la qiyaasayaa da’da maxbuuska. (b)Ciwaanka maxbuuska ee Somaliland haddiiba uu jiro. © Nuqul sugan ee xukunka Maxbuuska ama amarada kale ee maxkamadeed. (d) qoraal ku saabsan cadeymaha sugan ee xaqiiqooyinka iyo waxyaabaha ku gedaaman ee lagu salayeeyay xukunka ama amarkaas. (e) Nooca xukunku yahay , waqtiga xukunka bilaabmay iyo mudadda xukunka (f) Warbixinta caafimaad ama macluumaadka kale ee ku saabsan maxbuuska oo ay ku jiraan warbixinta daaweyntiisa uu ku qaatay dalkaas iyo wixii talo bixin ah ee la xidhiidha daaweyntiisa dambe ee Somaliland. (g) Ciwaankii ugu danbeeyey ee meesha uu daganaa maxbuusku. (h) Saddex qof magacyadooda iyo ciwaanadood oo lagala xidhiidhi karo marka uu maxbuusku yahay mid aan Somaliland u dhalan oo aan si rasmi ah u dagnayn Somaliland. (i) Iyo Warbixinadda kale oo wasiirku u arko inay lagama maarmaan u yihiin wareejinta maxbuuska. Qodobka 6aad (Macluumaad dheeraad ah) (1) Wasiirku isagoo tixraacaya codsiga ku tilmaaman qodobka 4aad ee xeerkan, wuxuu waddanka la tilmaamay ka codsan karaa in macluumaad dheeraad ah u soo gudbiyaan oo la xidhiidha: (a) sababta uu Maxbuusku ku codsaday in loo wareejiyo Somaliland ama raaliga ugu yahay wareejinta. (b) In maxbuuska, marka loo eego jidh ahaan iyo maskax ahaan ama da’ ahaan aanu awoodin inuu rabitaankiisa wax ku dalbado, hasayeeshee qof kale dalbaday isagoo ka wakiil ah maxbuuska Qodobka 7aad (wareejinta reeban) (1) Wasiirka maxa ka reeban inuu ogolaado wareejin maxbuuska si waafaqsan xeerkan haddii maxbuuska wax ka yar lix bilood ay uga hadhsan tahay xukunka xadhigiisa marka laga reebo duruufo gaar ah oo jira awgood. Qodobka 8aad (Wargelinta go’aanka) (1) marka uu wasiirku go’aaminayo dalabka wareejinta maxbuuska wuxuu markaas: (a) ogaysiinayaa go’aanka diidmada hay’adda qaabilsan ee dalkaas tilmaaman; (b) ogeysiinayaa go’aanka oggolaanshaha wareejinta hay’adda qaabilsan dalkaas tilmaaman wuxuuna ku soo saarayaa amar lagu tilmaamayo ujeedadaas. (2) Maxbuuska ama Maxbuuska Wakiilkiis ee ah dadka ka cabanaaya go’aanka Wasiirka waxaa u bannaan inay dalbaan dib- u -eegis maxkamadeed ee go’aankaas. Qodobka 9aad (Amarka soo wareejinta Maxbuuska) (1) Marka Wasiirku ogolaado wareejinta Maxbuuska, wuxuu markaas soo saarayaa amar ogolaanaya: (a) in Maxbuuska laga soo wareejiyo dalkaas tilmaaman oo la keeno Somaliland; (b) in soo raridda maxbuuskaas uu qaabilsan yahay Sarkaal loo xilsaaray oo geyn doona meel xabsi ah oo lagu tilmaamay amarkaas gudihiisa. © xabsiga maxbuuska si waafaqsan tilmaamahan lagu sheegay amarka ,waxa ku jiri doona tilmaamo sugan oo ku haboon habka soo wareejinta iyo qorshaha qabanqaabada wareejinta maxbuuska. Qodobka 10aad( Xaalado gaar ah) (1) Muwaadin reer Somaliland ah oo dembi lagu eedayey isagoo jooga waddan tilmaaman, iyadoo:- (a) Maxkamad waddankaasi ahi ay ku amartay in lagu hayo xabsi sababtoo ah waxaa la ogaadey in uu yahay qof waalan ama xiskiisu dhiman yahay ama aan degenayn maskax ahaan maxkamadna la soo taagi karin. (b) la ogaaday inuu yahay dambiile laakiin waqtiga uu fal dambiyeedka gaystey wuxuu ahaa qof xiskiisu dhiman yahay. Hadaba qofkaas lagu soo wareejinayo Somaliland waa inay soo codsataa hayadda awooda u lahayd ee dalkaas iyadoo ay la jirto ogolaanshaha xeer ilaaliyaha guud. Qodobka 11aad(Qoritaanka qoraalada) (1) codsi kasta oo xidhiidha soo wareejin maxbuus iyo jawaabta laga bixinayaa waa inay ahaadaan qoraal. (2) dhamaan arrimaha la xidhiidha wareejinta maxbuuska waa inay ahaadaan kuwo qeexan . Qodobka 12aad(Aqoonsiga Qoraalada) (1).Nuqulka xukunka ama amaradda ku tilmaaman qodobka 5aad waa in:- a)Loo aqbalo cadaymo sugan waxyaabaha lagu tilmaamay. b)loo tixgaliyaa sidii xukun ama amar ka soo baxay maxkamad awooda u leh ee Somaliland. c) dhamaan qoraaladda loo baahan yahay ee lagu tilmaamay xeerkan waxaa loo aqoonsayaa kuwa sugan haddii qoraaladaas ay soo sugeen ama saxeexeeen garsoore ama qof kale oo masuul ka ah hay’addaha ciqaabka ee dalkaas ee uu ku xidhnaa maxbuusku, waxana loo qadanayaa cadaymo xaqiijinaya waxyaabaha ay tilmaamayaan hadii aan si ka duwan loo cadayn. (2) qoraaladda lagu tilmaamay qaybtan marka la aqbalo: a) Waxa loogu dhaqmayaa sida kuwa ay sugeen ama ay saxeexeen si la mid ah qof la xukumay Somaliland b) si waafaqsan xeerkan waxa raadkooda sharci loo tix galineyaa waxyaabaha ay xanbaarsanyihiin. Qodobka 13aad(Xabsi ka dhimista Maxbuuska) (1) Maxbuuska la soo wareejiyey ee ku xukuman xabsi: (a) Waxa uu xaq u lahaanayaa xabsi ka dhimis mudadada uu xidhan yahay haddii uu mutaysto laga bilaabo maalinta la soo wareejiyo si waafaqsan xeerka dalkaas la tilmaamay uu dhigayo marka loo eego xabsi ka dhimista. (b) Waxa uu xaq u lahaanayaa xabsi ka dhimis mudada xabsiga uga dhiman si la mid ah maxbuus lagu xukumay xadhig xukun ka soo baxay maxkamad Somaliland ah oo u dhiganta mudadaas. (2) xabsi ka dhimis xadhig si waafaqsan xeerkan qodobkan xubintiisa (1) xarafka (a) waxa uu mutaysan karaa in la mariyo talaabo anshax oo ka dhalatay faldanbiyeed uu galay si la mid ah hadii xabsi ka dhimis lagu helay si waafaqsan xubinta 1aad xarakiisa(b). Qodob Qodobka 14aad(Xabsiga lagu haynayo Maxbuuska) (1) Sida lagu soo sheegey qeybtan, maxbuus la soo wareejiyay waxaa lagu xidhayaa xabsiga ama meelaha uu sheego wasiirka inta uga hadhay xukunkiisa. (2) Maxbuus la soo wareejiyay, marka loo eego maxbuuskaa lagu xukumo Somaliland haddii ay da’diisu yar tahay,oo ay keenayso in lala tiigsado xeerka caruurta waxa markaas lagu dhaqayaa xeerka caruurta ee u yaala somaliland. Qodobka 15aad (kusiidayn Anshaxwanaag Maxbuuska) (1) Haddii maxbuuska inta aan la soo wareejin uu anshax wanaag muujiyo oo la siidaayo isagoo jooga waddan la tilmaamay, muddo kadibna lagala noqdo, muddadaa waxaa lagu darayaa xukunkiisa uu ku qaadanayo Somaliland. (2) Maxbuus waqtiga la soo wareejinayay lagu siidaayey anshax wanaag uu sameeyey awgeed (on parole)markuu joogey waddankaas la tilmaamay oo ah meeshii lagu xukumay. , marka loo soo wareejiynayo Somaliland maxbuuskaas waxa loola dhaqmayaa si la mid ah maxbuuska Somaliland loogu siidaayo anshax wanaaga xataa haddii aanu noqon maxbuuskaasi mid aan u qalim kusiideyntaas anshax wanaaga ah marka loo eego xeerka kusiideynta anshax wanaaga ee somalaliland. (3) Jebinta mid ka mid ah shuruudahii lagu siidayey maxbuuska waxa loo tixgelinayaa inuu masuul ka yahay raadka ka dhasha jabintaas si la mid ah maxbuuska jebiyey shuruudihii lagu sii dayey marka loo eego xeerka Somaliland Qodobka 16aad (Saamaxaad uu fidiyo Madaxweynuhu) (1) xeerkan laguma fasiri karo si ka duwan awoodaha madaxweynuhu ku leeyahay saamaxaada (pardon) marka loo eego Dustuurka Somaliland (2) Awoodda saamaxaada marka loo fidiyo maxbuus la soo wareejineyo oo ku sugan waddankaas la tilmaamay waxa loo raacayaa si la mid ah awooda isticmaalkaas ee madaxweynuhu leeyahay marka loo eego dastuurka Somaliland. Qeybta Saddexaad – Ka wareejinta Maxaabiista Somaliland Qodobka 17aad(Wargelinta Maxbuuska la wareejinayo) (1) Marka ay heshiis wada galaan Somaliland iyo dal tilmaaman si Maxbuus looga wareejiyo Somaliland, markaas Taliyaha Ciidanka Asluubtu waa in uu ogeysiiyaa maxbuuska dalkaas u dhashay ujeedooyinka heshiiska. (2) Maxbuusku wuxuu codsi qoraal ah ugu soo gudbin karaa Wasiirka, in loogu wareejiyo dalkaas tilmaaman, isagoo u soo marinaaya Taliyaha Ciidanka Asluubta; (3)Wasiirku haddii uu aqbalo codsigaa wareejinta, waa in uu dalab u diraa hay’ada qaabilsan wareejinta ee dalkaas la tilmaamay iyadoo ay la jiraan: (a) Codsigii uu sameeyay maxbuusku ama nuqul sugan oo codsigaas ah, (b) Shuruudaha gaarka ah ee lagu tilmaamay qodobka 5aad ee xeerkan. Qodobka 18aad ( Wareejinta Maxbuuska) (1) Haddii Dalkaasi tilmaamani uu ogolaado wareejinta maxbuuska, Wasiirku waa in uu markaas u diraa hay’ada qaabilsan ee dalkaas dalab soo saaris amar ogolaanaya in laga soo qaado maxbuuska xabsiga lagu hayay oo lagaga soo saarayo Somaliland laguna wareejinayo hay’ada masuulka ka ah xabsiga loo wareejinayo ee dalkaa tilmaaman; (2) Iyadoo wax loo dhimayn qodobada xeerkan, marka dalka tilmaaman uu aqbalo in loo soo wareejiyo maxaabiis u dhashay dalkaa, si ay xukunka inta u hadhsan ugu qaataan dalkaa, Wasiirku isagoo raacaya shuruudaha uu heshiiskaasi xambaarsan yahay wuxuu qaadayaa talaabooyinka waafaqsan qodobka afraad ee la xidhiidha wareejinta maxbuuska ee dalkaas Qeybta Afraad – Xabsiga iyo wareejinta Maxbuuska Qodobka 19aad(Xaaladda Maxbuuska marka la wareejinayo) (1) Maxbuuska loo soo wareejinayo ama laga wareejinayo Somaliland waxaa loo aqoonsanayaa in uu yahay qof ku sugan xabsi, qofka la socdana waxaa loo qaadanayaa qof u xilsaaran ilaalinta maxbuuska; (2) Haddii maxbuuska ku tilmaaman faqradan hore uu ka baxsado hayntaa sharciga ah, waxaa loo aqoonsanayaa si la mid maxbuus ka baxsaday xabsi loogu hayay amar ka soo baxay hay’adaha awooda u leh ee Somaliland Qodobka 20aad (Iswaafiqid la’aanta Xukunka iyo Sharciga dalka) (1.) Iyadoon wax loo dhimayn qodobada xeerkan, marka xukunka maxbuuska loo soo wareejiyay Somaliland uu ka soo baxay dal tilmaaman ee dabeecada ama muddada xabsigu aanay waafaqsanayn shuruucda Somaliland, markaas Madaxwaynuhu wuxuu fidin karaa cafiska ku tilmaaman Qod:90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka JSL; intii suuragal ah ee uu ka waafaqsanaanayo xukunkaas shisheeye. Qodobka 21aad(Dhamaanshaha Xukunka) Marka maxbuus la soo wareejiyey oo xukun ku qaadanaya Somaliland uu wasiirku ogaado in dalkii maxbuuska laga soo wareejiyay uu adeegsaday cafis ama awood kale oo xukunka ka dhigaysa mid aan ka sii fuli karin dalkaas; talaabadaas oo la qaaday waxyar ka hor markii maxbuuska lagu soo wareejinaayey Somaliland;markaas wuxuu amrayaa in aan maxbuuska xukunkaas awgiis xabsiga loogu sii hayn karin. (2) Marka maxbuus shisheeye uu xukun ku qaadanayo dal tilmaam, kaas oo laga soo wareejiyay Somaliland si waafaqsan xeerkan, haddana intii lagu jiray wareejinta la adeegsaday awood ka dhigaysa xukunkaa mid aan laga sii fulin karin Somaliland ama xukunkiiba mid dhamaaday, Wasiirku wuxuu dalkaas tilmaaman ee loo wareejiyay maxbuuska shisheeye ku wargelinayaa in aan maxbuuska xukunkaas awgiis xabsiga loogu sii hayn Karin. Qodobka 22aad (Kharshka wareejinta Maxbuuska) (1) Marka Maxbuus la wareejinayo kharashka wareejinta maxbuuska si waafaqsan xeerkan wuxuu saaran yahay Somaliland iyo dalkaas la tilmaamay hadba sida lagu heshiiyey. (2) Marka maxbuuska la wareejinayaa uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland, markaas kharashka wareejintu wuxuu saaran yahay qofka maxbuuska ah ama wakiilkiis, waxaana wasiirku dalban karaa qof damiin ah si loo sugo in kharashkaas dib loogu celiyo xukuumadda. (3) Kharash kasta oo ku xusan farqadda 2aad waxaa loo tixgelinayaa dayn madani ah oo ay leedahay Xukuumaddu. (4) Farqadda 2aad iyo 3aad lama dabakhaayo marka wasiirka ay u muuqato inaanay cadaalad ahayn oo aanay xaq ahayn inuu adeegsado awoodahaas lagu tilmaamay farqadahaas, sababtoo ah: a)Duruufo gaar ah oo jira awgood; b)Dhaqaalaha maxbuuska oo aan dabooli karin kharashka looga baahan yahay sidoo kale soo celinta deyntaas oo aan suurtogal ahayn marka loo eego Maxbuuska ama cid kale oo isaga ka wakiil ah. c) iyadoo dawladdaas tilaaman ay isla waafaqeen dal saddexaad inuu u wareejiyo ama ka wareejiyo maxbuuska dalkaas iyadoo la fulinaayo qorshe la isla meel dhigay. Qodobka 23aad (sii hakashada Maxbuuska) (1) Waddanka u baahda fasax si ay uga soo degaan oo ay ugu sii hakadaan Somaliland Maxbuus iyo Ilaalada la socota, waxay weydiisanayaa Wasiirka ogolaansho dal ku soo deg iyo ku-hakasho Somaliland. (2) Wasiirku wuu diidi karaa inuu soo saaro ogolaanshaha ku-hakashada marka: a) Qofka wareejinta loo doonayaa uu yahay mid u dhashay Soomaliland; b) Dembiga lagu xukumay uu yahay mid aan dembi ka ahayn marka loo eego Shuruucda dalka Somaliland; c) Qofka la wareejinayaa uu yahay mid la baadigoobaayey iyadoo loo haysto dembi ka dhan ah shuruucda Somaliland. (3) Oggolaanshaha lagu soo saaray si waafaqsan xubinta (1) ee qodobkan wuxuu u banaynayaa in maxbuuska lagu hayo xabsi waqti ku-meel-gaadh ah oo suurtrogal ah si loogu fududeeyo dawladda dalbanaysa wareejinta iyo midda loo wareejinaayo. (4) lagu soo wareejiyey si waafaqsan xubinta (1) ee qodobkan , muddada uu joogo Somaliland looma xidhi karo isla markaana looma xayiri karo iyadoo loo haysto dembi uu galay ama xukun lagu riday awgeed ka hor intii aanu ka soo ambabixin dalkaas tilmaaman. Qodobka 24aad (Xeer-nidaamiye) (1) Wasiirku wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro xeer-nidaamiye fududeeya oo lagu dhaqan-gelinaayo Xeerkan. (2) Xeer-nidaamiyaha laga soo saaro xeerkan, waxaa lagu tilmaami karaa : (a) qaabka ama habka uu maxbuusku u dalbanaayo codsiga soo wareejinta ama ka wareejinta soomaliland; (b) Arrin kasta oo looga baahan yahay ama oggolaansho kasta Oo Lagu sheegay xeerkan (3) Xeer-nidaamiye kala duwan waxaa loo samayn karaa waddamo tilmaaman oo kala gedisan. Dhammaad

Post a Comment

 
Top